Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeye: “Dabaaldegga maalinta Xoriyadda Soomaaliya waa Xasuus taariikhi ah.”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA XUSKA 1-DA LUULYO OO SI WEYN LOOGA XUSAY MUQDISHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

01 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) oo ka hadlayey munaasabada dabaaldega Maalinta Xoriyadda Soomaaliya oo bulshada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ay ugu dabaldagayaan. Maanta oo ah 1da July 2015 waa maalintii koofurta Soomaaliya ay xoriyadda ka qaadatay Gumeystihii Talyaaniga, isla markaasna ay koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ay midoobeen oo ah markii ugu horreysey oo Jamhuuriyadda Soomaaliya heshay aqoonsiga buuxa. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Dabaaldegga maalinta Xoriyadda Soomaaliya waa Xasuus taariikhi ah.”

Wasiir Maareeye “ Waa inaan si weyn u dabaaldegnaa oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay weyneeyaan xasuusta iyo dabaaldegga maalintii ummada Soomaaliyeed ay heleen xorriyad, madax-bannaani iyo aqoonsi caalami ah. Dowladda Federaalka ayaa sanadkan si heer sare ah u xustay toddobaadka xorriyadda, sida 26kii June markii Waqooyiga xoriyad helay, 27kii June markii wallaalaheen Jabuuti ay xorriyadda heleen iyo maanta oo ah 1dii Luulyo oo ah maalintii koofurta ay xoriyadda heshay isla markaasna ay Waqooyi iyo Koofur ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Wasiir Maareeye ayaa yiri taariikhdu waa lama huraan oo ummad walba waa inay taariikhdeeda xasuusataa oo bulshada jiilka cusub looga sheekeeyaa taariikhdii fiicneyd ee awoowayaasheen ay naftooda iyo maalkooda u hureen si Soomaaliya ay u noqoto Dowlad madaxbannaan. Waxey aheyd 55 sano ka hor markii Soomaalidu ay ka sineyd midnimo, wadajir, waxwadaqabsi iyo aaminaada jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Waa inaan xusnaa dhammaan inta naftooda u hurtay si aan u helno madax-bannaani iyo xornimo. Sidoo kale waa inaan taariikhda wax ka baranaa oo aan soo celinaa midnimadii ummadda Soomaaliyeed, wadajirkeeda iyo waxwada qabsigeeda.

Taariikhda Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo Koofur ee u istaagay sidii Soomaaliya ay xor u noqon laheyd waxey naga mudan yihiin inaan xusno, aqoonsano doorkooda, isla markaasna dhalinyarada jiilka maanta jira aan uga sheekeyno si ay ugu noqoto waayo aragnimo keenta inay doorkaas oo kale ay qaataan. 55 sano ka dib maanta Dowladda Federaalka waxey dalka ka xoreyneysaa nabad diid doonaya inuu ummadda Soomaaliyeed ka hor istaago nabad, horumar iyo waxqabsi. Waa dagaal kale oo isagana nooga baahan in bulshada aan ka wacyigelino, isla markaasna aan dhalinyarada la qalday aan u fidino gacan nabadeed si ay dib u heshiisiinta uga qeybqaataan. Caalamku horumar buu sameeyey, Soomaaliya oo ka mid aheyd waddamada Afrika ugu horreeyana maanta waxaa dib noo dhigay khilaaf, dagaal, is-aamin daro iyo dagaalka kooxaha nabad-diidka ah.

Wasiir Maareeye ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey oo yiri “Soomaaliya Soomaali baa iska leh, mana dhici karto in ummad kale ay xal noo hesho. Waa inaan isku tashanaa, gacmaha is-qabsanaa, is-aaminaa, isku-kalsoonaa oo aan ogaanaa midnimadeena inay noo horseedi karto nolol, nabad, amni, kala danbeyn, wax-wadaqabsi iyo horumar. Soomaaliya ha noolaato.”

DHAMAAD

Previous Post

Qaramada Midoobay oo shacabka ugu hambalyeeysay xuska 55 guurada xornimada

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In