Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeye: “Maktabada Wasaaradda waxey qeyb ka tahay horumarinta Warbaahinta Dalka.”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Maareeye: “Maktabada Wasaaradda waxey qeyb ka tahay horumarinta Warbaahinta Dalka.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 June 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta kormeeray mashruuca lagu dhisayo xarun Maktabad ay Wasaaradda Warfaafintu yeelato oo ujeedadeedu tahay sidii wariyeyaasha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xarun ay macluumaadka muhiimka ah ka helaan.

Dhismahaan cusub ee laga hirgalinayo xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka koobnaan doona labo dabaq oo leh in ka badan 20 qol ayaa qeyb ka ah barmaamijka dalkaaga dhiso ee ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Dhismaha oo isku jira qaar u baahan dayactir iyo qeyb bilow ah ayaa la qorshaynayaa in lagu dhamaystiro mudo 6 bilod ah. Wasiirka Warfaaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ayaa kormeer ay ugu kuur galiyeen sida uu u socdo dhismaha qeybta cusub ee wasaaradda ku sameeyey .

“Waxaa sharaf wayn inoo ah in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku uu inagu soo booqdo mudane Maareye xaruntaan cusub laga hirgalinayo Wasaaradda Warfaafinta. Mudane Wasiir waxaa an ku fikiraynay mudo labo sano, waxaa uuna ku soo aaday fursad weyn oo ah in aad adigu nala joogto” ayuu yiri Bahlaawi.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqaranka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareye” ayaa tilmaamay in Lixda bilood ee inagu soo aadan ay wasaaradda yeelan doonto muuqaal wanaagsan oo isugu jira dhismooyinka kale duwan oo laga hirgalindoono. ”Lixda bil ee soo socota Wasaarada Warfaafintu xagga bannaamijyada xagga waxqabadka iyo xagga dhismaha ay yeelan doonto muuqaal aad u wanaagsan oo warbaahinta Soomaaliya sare u sii qaada. Sidaad arkeysaan meeshaan burbursan bilo ka dib waxaad arkeysaan iyadoo aad u qurux badan sidoo kale waxaa inoo qorsheeysan in aan wasaaraada ka dhisno laabareeri ( Maktabad) aad iyo aad u qalabeysan oo internedkiisa iyo wixiisaba ay u dhanyihiin. Weriyeyaasha aya ka faa’iidi doona oo ay barnaamijyada ku diyaarsan doonaan, waxii macluumaad ay u baahan yihiina ay ka heli doonaan. Sidoo kale waxaa u suurto galeysa wariyeyaasha Soomaaliyeed oo dhan inay ka sameysan doonaan xaruntan daraasado cilmiyeed iyagoo ka helaya buugaag ay akhristaan, internetka oo ay wax ka baartaan, kana soo xigtaan taariikhda”,ayuu yiri wasiirka.

“Mashruuca sadaxaad ee noo qorsheysan sanadka 2015 dhamaadkiisa wariyeyaasha wasaarada maadaama ay shaqeeyaan 24 saac oo habeenadii ku jiraan shifti ku jiraan in aan u dhisno hotel”.

Wasiir Maareeye ayaa xusay in weriyaasha ka howlgala warbaahinta qaranka ay qiimo weyn u leeyihiin qaranka Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

3   4 5 6 7 8

Previous Post

Bisha cas ee Imaaradka Carabta oo afurin ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In