Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeye: “Maktabada Wasaaradda waxey qeyb ka tahay horumarinta Warbaahinta Dalka.”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Maareeye: “Maktabada Wasaaradda waxey qeyb ka tahay horumarinta Warbaahinta Dalka.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 23 June 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta kormeeray mashruuca lagu dhisayo xarun Maktabad ay Wasaaradda Warfaafintu yeelato oo ujeedadeedu tahay sidii wariyeyaasha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xarun ay macluumaadka muhiimka ah ka helaan.

Dhismahaan cusub ee laga hirgalinayo xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka koobnaan doona labo dabaq oo leh in ka badan 20 qol ayaa qeyb ka ah barmaamijka dalkaaga dhiso ee ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026

Dhismaha oo isku jira qaar u baahan dayactir iyo qeyb bilow ah ayaa la qorshaynayaa in lagu dhamaystiro mudo 6 bilod ah. Wasiirka Warfaaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ayaa kormeer ay ugu kuur galiyeen sida uu u socdo dhismaha qeybta cusub ee wasaaradda ku sameeyey .

“Waxaa sharaf wayn inoo ah in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku uu inagu soo booqdo mudane Maareye xaruntaan cusub laga hirgalinayo Wasaaradda Warfaafinta. Mudane Wasiir waxaa an ku fikiraynay mudo labo sano, waxaa uuna ku soo aaday fursad weyn oo ah in aad adigu nala joogto” ayuu yiri Bahlaawi.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqaranka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareye” ayaa tilmaamay in Lixda bilood ee inagu soo aadan ay wasaaradda yeelan doonto muuqaal wanaagsan oo isugu jira dhismooyinka kale duwan oo laga hirgalindoono. ”Lixda bil ee soo socota Wasaarada Warfaafintu xagga bannaamijyada xagga waxqabadka iyo xagga dhismaha ay yeelan doonto muuqaal aad u wanaagsan oo warbaahinta Soomaaliya sare u sii qaada. Sidaad arkeysaan meeshaan burbursan bilo ka dib waxaad arkeysaan iyadoo aad u qurux badan sidoo kale waxaa inoo qorsheeysan in aan wasaaraada ka dhisno laabareeri ( Maktabad) aad iyo aad u qalabeysan oo internedkiisa iyo wixiisaba ay u dhanyihiin. Weriyeyaasha aya ka faa’iidi doona oo ay barnaamijyada ku diyaarsan doonaan, waxii macluumaad ay u baahan yihiina ay ka heli doonaan. Sidoo kale waxaa u suurto galeysa wariyeyaasha Soomaaliyeed oo dhan inay ka sameysan doonaan xaruntan daraasado cilmiyeed iyagoo ka helaya buugaag ay akhristaan, internetka oo ay wax ka baartaan, kana soo xigtaan taariikhda”,ayuu yiri wasiirka.

“Mashruuca sadaxaad ee noo qorsheysan sanadka 2015 dhamaadkiisa wariyeyaasha wasaarada maadaama ay shaqeeyaan 24 saac oo habeenadii ku jiraan shifti ku jiraan in aan u dhisno hotel”.

Wasiir Maareeye ayaa xusay in weriyaasha ka howlgala warbaahinta qaranka ay qiimo weyn u leeyihiin qaranka Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

3   4 5 6 7 8

 

Previous Post

Bisha cas ee Imaaradka Carabta oo afurin ka bilowday Degmooyinka Gobolka Banaadir

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026
0

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii lagu guda...

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In