Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo kulan la yeeshay Guddiga Doorashada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo kulan la yeeshay Guddiga Doorashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7 August 2016 (Villa Somalia)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta kulamo la qaatey guddiyo kala duwan oo ay ka wadahadleen arrimaha doorashada iyo amniga qaranka.

Madasha ayaa ugu horeyn kulan la yeeshay Guddiga Diyaarinta Doorashada ee Heer Federaal oo uu horkacayay Guddoomiyaha guddigaasi Cumar Maxamed Cabdulle.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Madaxda madasha ayaa warbixin ku saabsan jadwalka doorashada ka dhegeystey guddiga, waxaana ay guddiga ku bogaadiyeen hawsha ay hayaan.
Waxaa sidoo kale madaxda madashu ay kulan la yeesheen Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo ka wadaxaajooday sidii qoondada haweenka loo meel marin lahaa.

Hoggaanka madasha ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la qaatey Guddiga Amniga Qaranka oo ka warbixinayey xaaladda amniga dalka iyo diyaargarowga doorashada.

Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo toddobaadkii hore furmay ayaa galey maalintiisii afraad, iyadoo ay ka qeybgalayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
———————————DHAMMAAD—————————

Previous Post

Gudiga Hirgelinta Doorashada Dadban oo ku dhawaaqay Xiliga doorashada Dalka ay dhacayso

Next Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo soo xiray shirka dowladaha Hoose ee lagu qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha gudaha oo soo xiray shirka dowladaha Hoose ee lagu qabtay Baydhabo “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha gudaha oo soo xiray shirka dowladaha Hoose ee lagu qabtay Baydhabo "SAWIRRO"

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In