Monday, December 29, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madasha Wadatashiga Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir oo War-murtiyeed soo saartay.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Madasha Wadatashiga Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir oo War-murtiyeed soo saartay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madasha Wada-tashiga ee Hannaanka Qaran-Wadajir, wuxuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu si habboon u qabsoomay kulanka Wadatashiga dib-u-eegista iyo dar-dar
gelinta jadwalka geedi socodka dhismaha goloyaasha deegaanka, Maamul Baahinta, Machadka Dowladaha Hoose, dhaqan-gelinta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran, arrimaha xasilinta iyo helidda xalka waara barakacayaasha, dadka dalka kusoo
laabaanaaya iyo qaxootiga. Kulan hawleedkan ayaa ahaa kii 13-aad ee noociisa ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, mudadii u dhaxeysay 22 – 25ka Luulyo 2019.

Madashu waxay bogaadinaysaa kasoo qayb galka dhammaan ergooyinka kala duwan ee Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaateen natiijada ka soo baxday kulan hawleedka Hannaanka Qaran ee Wadajir.

Related posts

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025

Kulankan, oo ka socday muddo 4 maalmood ah magaalada Muqdisho, waxaa ka soo baxay qodobada hoos ku qoran:

1. Madashu waxay tacsi u diraysaa qoysaskii dadkii ku wax yeeloobay qaraxyadii isxig-xigay ee ka kala dhacay Muqdisho, Kismaayo iyo Dhuusamareeb.

2. Madashu waxay isku bogaadisay howlaha uga qabsoomay xog wadaagista, dhisidda goloyaasha deeggaanka, maamul-baahinta, machadka dowladaha hoose, arrimaha xasilinta dalka, dhab-u-heshisiinta iyo arrimaha xalalaka waara ee barakacayaasha iyo qaxootiga.

3. Madashu waxay isla garatay in xalka waara ay muhiim u yihiin hannaanka iyo taabba gelinta dowladaha hoose.

4. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxay leedahay doorka xiriirinta iyo dhaqaale u raadinta, xalalka waara iyadoo kaashanaysa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir,
hay’adda qaxootiga qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

5. Madashu waxa ay hoosta ka xariiqday in gaabis badan uu ka yimid dadaalka taageerada dhisidda golayaasha deegaanka, isla markaasna madashu waxay ku baaqday in taageero farsamo iyo mid dhaqaale oo buuxda la siiyo golayaasha deeggaanka ee dhismaya iyo kuwa dhismay.

6. Madashu waxay bogaadisay dadaalka samaynta halbeegyada lagu cabirayo horumarrada ka socda degmooyinka ee loo yaqaan (FIMM).

7. Madashu waxay hoosta ka xariiqday ahmiyadda ay leedahay in la mideeyo dukumiintiyadda addeegga dadweynaha ee ka soo baxa dowladaha hoose ilaa heer gobol.

8. Madashu waxay fariin u dirtay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageera arrimaha dhisidda goleyaashaa deegaanka, maamul baahinta, machadka dowladaha hoose, xasilinta, dhab-u-heshiinta iyo xalka waara in ay ku shaqeeyaan mudnaanta dowladda heerarkeeda kala duwan.

9. Madashu waxay soo jeedisay in la dedejiyo dhamaystirka iyo hawl-gelinta Machadka Dowladaha Hoose si loo helo tababbaro ku filan degmooyinka dhismay iyo kuwa dhismaya.

10.Madashu waxay soo dhoweysay in madasha laga qayb-geliyo Wasaaradaha Haweenka iyo Xuquuqul Iinsaanka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo xoojiyo kaalinta ka qayb-galka haweenka ee dhismaha dowladaha hoose.

11.Madashu waxay isku raacday in si wadajir ah looga wadashaqeeyo arrimaha dhisidda goleyaashaa deegaanka, maamul baahinta, machadka dowladaha

12.Madashu waxay bogaadisay daahfurka Golayaasha deegaanka ee degmooyinka Ceelberde, Warshiikh, Beledweyne iyo Jowhar.
13.Madashu waxay isku raacday in la adkeeyo wadaagga xogta iyo macluumaadkau dhexeeya hay’adaha heerarka kala duwan ee dowladda.

14.Madashu waxay isku raacday in la sameeyo guddi farsamo oo leh ujeedooyin midaysan iyo qorshe dhamaystiran oo lagu fulinaayo taageeridda, dhisidda iyo dhamaystirka golayaasha deegaanka.

15.Madashu waxay adkaynaysaa xaqiijinta kaalinta haweenku ku leeyihiin geddi socodka iyo dhismaha dowladaha hoose.

16.Madashu waxay u mahad celinaysaa barnaamijka raadiyaha Wadajir iyo hawl-wadeenadiisa oo had iyo jeer baahisa guulaha madasha iyo deeq bixiyaasha.

17.Sidoo kale maadashu waxay isla garatay in la qabto dib-u-heshiisiin siyaasadeed, mid bulsho iyo mid dhaqan kahor intaan la guda gelin dhisidda golayaasha deegaanka si looga fogaado khilaaf bulsho oo hor leh.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Baydhabo Socod ku dhex maray “SAWIRRO”

Next Post

Aqoon iswaydaarsi u socday Xafiisyada Amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo lasoo Gabagabeeyay “Sawirro”

Next Post
Aqoon iswaydaarsi u socday Xafiisyada Amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo lasoo Gabagabeeyay “Sawirro”

Aqoon iswaydaarsi u socday Xafiisyada Amniga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo lasoo Gabagabeeyay “Sawirro”

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

December 29, 2025
0

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay dalal iyo hay’ado caalami ah oo si cad uga soo horjeestay...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

December 29, 2025
0

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi la yeeshay Madaxda dowlad Gobolleedyada iyo Gobalka Benaadir

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka la qaatay, qaar...

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

Madaxweynaha JFS oo shir looga hadlayay ilaalinta midnimada la qaatay Mas’uuliyiinta Hay’adaha dowladda ku matala Gobolada Waqooyi

December 28, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In