Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madax sare oo ka qeyb gashay munaasabad lagu dalacsiinayay fanaaniinta Ciidanka Booliska ee Heegan oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madax sare oo ka qeyb gashay munaasabad lagu dalacsiinayay fanaaniinta Ciidanka Booliska ee Heegan oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo min hal darajo lagu dalacsiinayay askari kasta oo ka mid ah kooxda fanaaniinta ciidanka Booliska ee Heegan, laguna qabtay dugsiga Tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dul istaagay muhiimadda ciidanka booliska ee suggida Amniga iyo wadashaqeynta ka dhexeysa shacabka iyo Booliska, waxaana uu hambalyo u diray kooxda fanka ciidanka booliska ee Heegan oo la dalacsiiyay min hal darajo ah.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Xukuumadda Faderaalka ay joogeyneyso xuquuqda ciidamada, isaga oo hambalyo la wadaagay askarta la dalacsiiyay ee ka tirsan kooxda Heegan.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ku ammaanay ciidanka booliska waajibaadka ay shacabka u hayaan, waxaana uu xusay ahmiyadda ay leedahay shaqada boolisku u hayo bulshada, isagoo kula dar daarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igdmaday.

Kooxda Fanka Ciidanka Booliska ee Heegan ayaa ah kooxda hab suugaan ku soo bandhigga waajibaadka ciidanka booliska iyo kaalinta ay ku leeyihiin xaqiijinta Nabadgelyada.

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo daah furay Barnaamijka Qorsheynta Dhulka Caasimadda Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

AMISOM’s Djiboutian troops celebrate their military’s 44th anniversary

Next Post
AMISOM’s Djiboutian troops celebrate their military’s 44th anniversary

AMISOM’s Djiboutian troops celebrate their military’s 44th anniversary

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In