Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Dr. Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa magaalada Zanzibar ee Dalka Tanzania uga qaybgalay shirka Madaxda Afrika ee horumarinta siyaasadda caafimaadka.
Shirka oo socday muddo labo cisho ah waxaa ka qaybgalay Madaxda Wasaaradaha Caafimaadka ee Afrika, kaas oo looga hadlay iskaashiga horumarinta Arrimaha caafimaadka iyo latacaalidda cudurada faafa ee isaga kala gudba xuduudaha.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay in kulanka u qabsoomay Wasiirada caafimaadka Afrika uu ahaa mid muhiim ah, gaar ahaan wadaagidda khibradda, warbixinada iyo cilmi baarisyada caafimaadka.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa xusay in waqtiyada soo socda ay fududaan doonto dajinta mashaariicda guud ee ku aadan helitaanka iyo horumarinta adeeggga Caafimaadka.