Saturday, November 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Hey’adaha Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya shir muhiim ah yeeshay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaadiidka iyo Dulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta shir gusdoomiyay Shir ay Muqdisho ku yeesheen  Maareeyayaasha Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste iyo saraakiil kale oo ka socday labada dawladood.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025

Shirkaan ayaa intii uu socday lagu lafa guray Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi dhexmara labada Hey’adood, iyadoo lagu balamay in la yeesho shirar kale oo arrimahaan lagu xoojinayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xariirka Hay’adda Duulista Rayidka ah ay la yeelanayso dalalka Gobolka.

Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shirkaan, waxanaa uu intaas raaciyay in Iskaashiga labada Hey’adood uu wax badan ka bedalayo khibradahooda shaqo iyo adeegyada ay siiyaan labada shacab.

Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa soo dhaweeyay Iskaashiga Hey’adaha Duulista Rayidka ah, waxaana uu sheegay in heshiisyo sidii loo gaari lahaa uu shirkaan gogol xaar u yahay.

 

Previous Post

Xoghayaha Golaha Shacabka oo war ka soo saaray dhaarinta xildhibaannada

Next Post

Guddiga FIET oo fasaxay labo ka mid ah kuraastii uu horey u hakiyay

Next Post
Maxaa kala socotaa tirada Xildhibaannada ee qaatay shahaadada Xildhibaannimo

Guddiga FIET oo fasaxay labo ka mid ah kuraastii uu horey u hakiyay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

November 1, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah...

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

October 31, 2025
0

Inta badan dalalka dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee caasimadaha ,si kor logu qaado danaha bulshooyinka...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya oo Billad Sharaf Qaran Guddoonsiiyay Madaxweynaha Jabuuti

October 31, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xuska sanadguurada 25 ee shirkii Carta ayaa billad sharaf...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadeynta Soomaaliyeed ee Carta

October 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In