Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda ka qaybgalaysa Shirka London oo isku raacay in Soomaaliya uu ka jiro isbadal dhanka Hormarka ah

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda ka qaybgalaysa Shirka London oo isku raacay in Soomaaliya uu ka jiro isbadal dhanka Hormarka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka. Madaxweyne Farmajo wuxuu sheegay in dowladdiisu ay dadaal badan ku bisay Bad baadinta dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu saameeyeen, wuxuuna u mahadceliyay Beesha Caalamka iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Farmaajo ayaa sheegay dowladdu inay dagaal kula jirto seddex Cadow oo kala ah Argagixisada, Musuqa iyo Faqriga, wuxuu sheegay in Caalamka ay ka codsanayaan in Soomaaliya laga qaado Cuna qabataynta Hubka ee Saaran.

>Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa shirka ka sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay laba jibbaarto dadaalada looga hortagayo macluusha Soomaaliya, Soomaaliya isagoo sidoo kale Cadeeyay in Soomaaliya ay ka taageerayaan dhinac kasta.

>Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dalkeeda Soomaaliya uu siin doono taageero badan iyadoo si gaar ah u cadysay in UK bixin doono 21 milyan oo gini dhismaha iyo tababarka ciidan qaran.

>Moussa Faki Maxamed oo ah Madaxa Midowaga Afrika ayaa ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto dib u xoraynta Dalka, wuxuuna tilmaamay in haatan la wiiqay Awooda Al-Shabaab.

>Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, ayaa sheegay in dalkiisu yahay Dalkii Ugu horeeyay ee Soomaaliya u dira Ciidamo, haatana loo baahanyahay in Soomaalidu ay la timaado siyaasad ku dhisan Wadaniyad.

>Uhuru Kenyatta, oo ah Madaxweynaha kenya ayaa ka hadlay Asna dagaalka lagula jiro Maleeshiayada Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidanka AMISOM, wuxuuna Sheegay inay muhiim tahay in la sii xoojiyo taageerada ciidamada Midowga Afrika.

>R/wasaaraha Wadanka Itoobitya Desalegn ayaa asna dhankiisa ka hadlay sida ay xiligaan Muhiimka u tahay in la sii tayeeyo lana dhiso ciidanka Qaranka Soomaaliya, wuxuuna sheegay si taas loo gaaro inay muhiim tahay in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta Hubka ee Saaran.

Sidoo kale waxaa jira Madax badan oo kale oo Shirkaan Khudbado ka jeediyay kuwaas oo cadeeyay inay Soomaaliya xiligaan horay u socoto loona baahanyahay in la sii taageero si dadaalada dowladdu wado ay u guulaystaan.

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray Go’aamo muhiim ah ee Amniga iyo Xasilinta, soona dhoweeyey Shirka London

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In