Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan la qaatay Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ku nool dalkaasi.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan la qaatay Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ku nool dalkaasi.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
Madaxda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulantay ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka Uganda iyo Aqoonyahan  madaxda ka ah ururo dowli ah iyo dad bulshada wax tar ku leh, iyadoo kulankaas ujeedkiisu ahaa  isbarasho iyo xogwaraysi  dhex marta Madaxda cusub ee safaaradda iyo ganacsatada.
Kulankaas oo ka dhacay Hotel Sheraton  ee ku yaal magaalada Kampala ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan safaaradda iyo sida ay muwaadiniinteeda ugu adeegto iyadoo laysla soo qaaday in safaaradda dayactirkeeda ka qayb qaataan Ganacsatada iyo aqoonyahanka.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Jibril Afyare ayaa ugu horeen ka warbixiyay ujeedka loo qabtay kulanka dhex maraya Madaxda Safaaradda iyo ganacsatada iyo aqoonyahanka, isagoo sharaxay sida safaaradda ugu adeegto bulshada Soomaaliyeed iyo adeegyada ay bixiso.
Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Ali Cagabaruur ) ayaa sheegay in safaaradda madaxdeeda cusub la imaan doonto hufnaan iyo howlkarnimo kor loogu qaadayo sumcadda safaaradda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.
Dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay ayaa sheegay in wax walba diyaar ula yihiin si dhawna ula shaqeyn doonaan maamulka cusub ee Safaaradda uu horkacyo Mudane Ali Cagabaruur , iyagoona ganacsatadu ay waydiiyeen Siihayaha su’aalo  horey in badan madaxooda ka guuxayay oo dhanka safaaradda ah, dhankiisana Siihayuhu ka turxaan bixiyay dhamaan waxii ay waydiiyeen.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa si wadajir ah loo amaanay kulanka safaaradda kasoo shaqeysay ee dhex maray ganacsatada iyo madaxda Safaaradda, iyadoo lagu tilmaamay in uu yahay kulan wax la taaban karo kasoo baxeen.
Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Next Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda qeybta Garowe+Sawirro.

Next Post
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda qeybta Garowe+Sawirro.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda qeybta Garowe+Sawirro.

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

Madacweyne Xasan Sheekh “Caddeey inaad Muwaadin Soomaaliyeed tahay, waxa uuna ka bilaabanayaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga NIRA”

November 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Labaad ee Aqoonsiga Qaranka (SNIDC2025), oo muddo...

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Guddoomiye Maxamuud iyo George Conway oo guddoomiyey kulan muhiim ah

November 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In