Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan la qaatay Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ku nool dalkaasi.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kulan la qaatay Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ku nool dalkaasi.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Madaxda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulantay ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka Uganda iyo Aqoonyahan  madaxda ka ah ururo dowli ah iyo dad bulshada wax tar ku leh, iyadoo kulankaas ujeedkiisu ahaa  isbarasho iyo xogwaraysi  dhex marta Madaxda cusub ee safaaradda iyo ganacsatada.
Kulankaas oo ka dhacay Hotel Sheraton  ee ku yaal magaalada Kampala ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan safaaradda iyo sida ay muwaadiniinteeda ugu adeegto iyadoo laysla soo qaaday in safaaradda dayactirkeeda ka qayb qaataan Ganacsatada iyo aqoonyahanka.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Jibril Afyare ayaa ugu horeen ka warbixiyay ujeedka loo qabtay kulanka dhex maraya Madaxda Safaaradda iyo ganacsatada iyo aqoonyahanka, isagoo sharaxay sida safaaradda ugu adeegto bulshada Soomaaliyeed iyo adeegyada ay bixiso.
Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Ali Cagabaruur ) ayaa sheegay in safaaradda madaxdeeda cusub la imaan doonto hufnaan iyo howlkarnimo kor loogu qaadayo sumcadda safaaradda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.
Dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay ayaa sheegay in wax walba diyaar ula yihiin si dhawna ula shaqeyn doonaan maamulka cusub ee Safaaradda uu horkacyo Mudane Ali Cagabaruur , iyagoona ganacsatadu ay waydiiyeen Siihayaha su’aalo  horey in badan madaxooda ka guuxayay oo dhanka safaaradda ah, dhankiisana Siihayuhu ka turxaan bixiyay dhamaan waxii ay waydiiyeen.
Ugu dambeyntii ayaa waxaa si wadajir ah loo amaanay kulanka safaaradda kasoo shaqeysay ee dhex maray ganacsatada iyo madaxda Safaaradda, iyadoo lagu tilmaamay in uu yahay kulan wax la taaban karo kasoo baxeen.
Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan La Qaatay Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Next Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda qeybta Garowe+Sawirro.

Next Post
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda qeybta Garowe+Sawirro.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Kormeeray Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda qeybta Garowe+Sawirro.

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In