Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Sare ee Dalka oo ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii G/Benaadir Eng. Yariisoow.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Arday Tababar Ku Saabsan Wadaniyada Loogu Qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxda sare ee dalka ayaa si isku mid ah uga Tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii G/Benaadir ahaana Duqii Caasimada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo maanta ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee Xarunta Dalka Qatar.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheakh C/raxmaan ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Gudoomiyaha G/Benaadir ahaana Duqii Caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Allaah u weydiiyay marxuumka in uu ugu deeqo naxariistiisa balaaran.

Ra-iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida Gudoomiyihii Gobolka waxa uuna alle uga baryay in ka waraabiyo Janatul Firdowsa.

Ra-iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhambaalkiisa tacsida ah sidoo kale la wadaagay Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Duqii Caasimada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS ayaa isna si lamida madaxda kale qaranka uga tacsiyeeyay geerida Gudoomiyaha.

Maxkamadda Sare Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa  tacsi u Diray Dhammaan ummada soomaaliyeed Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana  Duqii Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow”

“Tacsi: Aniga oo ku hadalaya magaca Garsoorka JFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabta, Shacabka ku nool Caasimada Magaalada  Muqdisho iyo Gobolka Banaadir & iyo Dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo kaga  tacsiyeynayo Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magalada Muqdisho oo ku Geeriyooday Dalka Qatar.

Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Benaadir ahaana duqii Caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa ka mid ahaa madaxdii ku dhaawacmay qaraxii 24-kii bishii Luuliya ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

 

Previous Post

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka tacsiyeeysay Geeridda Allaha u naxariistee Duqii Muqdisho.

Next Post

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA ENG. YARIISOOW IYO CALANKA JAMHUURIYADDA OO HOOS LOO DHIGAY.

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u Diray Dowladda iyo Shacabka Tuunis

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA ENG. YARIISOOW IYO CALANKA JAMHUURIYADDA OO HOOS LOO DHIGAY.

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In