Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 month ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐮𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞 (Leyloon) oo ahaa agaasimihii hore ee Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo ku geeriyooday Magaalada Hargaysa.

𝐊𝐮𝐦𝐮𝐮 𝐀𝐡𝐚𝐚

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

Agaasimihii hore ee Waaxda Furdooyinka waxa uu ku dhashay sanadkii 1935 degmada taariikhiga ah ee Eyl, oo ka tirsan gobolka Nugaal. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd waxa uu ku qaatay degmada Eyl, halkaas oo uu ku aas-aasmay xirfadiisa aqooneed. Intaas kadib waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku dhammeystay dugsiga sare.

𝐁𝐢𝐥𝐨𝐰𝐠𝐢𝐢𝐬𝐢𝐢 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚

1. Xilligii Hore (1955 – 1971)

Sanadkii 1955, ayuu ku biiray Waaxda Furdooyinka, isagoo ka bilaabay qaybtii hoos tagtay maamulka gumaystihii Talyaaniga. Waxa uu si degdeg ah ugu caan baxay shaqo-hufnaan iyo aqoon geeddi-socodka furdooyinka.

2. Hoggaaminta Furdooyinka Waqooyi (1972 – 1985)

Sanadkii 1972, waxaa loo magacaabay Madaxa Furdooyinka Gobollada Waqooyi, isagoo maamulaayay Furdooyinka u dhexeeya Ceelaayo ilaa Lowyacadde. Xilkan waxa uu ku muujiyay hoggaamin adag iyo horumarinta nidaamka furdooyinka.

3. Madaxa Baarista iyo Kormeerka (1986 – 1991)

Sanadkii 1986 waxaa loo magacaabay Madaxa Baarista iyo Kormeerka Waaxda Furdooyinka. Waxa uu xoojiyay nidaamyada baarista iyo hufnaanta shaqada, isagoo noqday tiir muhiim u ah waaxda.

4. Agaasimaha Waaxda Furdooyinka (2006 – 2022)

Sanadkii 2006, waxa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Furdooyinka xilli dalka dib loo dhisayay. Inta uu xilka hayay waxa uu dib u dhisay qaab-dhismeedka waaxda, soo ururiyay dukumentiyadii muhiimka ahaa, dib u mideeyay shaqaalaha, una sameeyay nidaam casri ah oo saldhig u noqday waaxda maanta.

5. Lataliyaha Wasiirka Maaliyadda ee Arrimaha Furdooyinka (2022 – 2026)

Laga bilaabo sanadkii 2022 ilaa geeridiisii 2026, Agaasimihii hore waxa uu ahaa Lataliyaha Wasiirka Maaliyadda ee Arrimaha Furdooyinka.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Next Post

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Next Post
Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la'daan

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In