Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda MSF ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Qorsheynta oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda MSF ee Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo socday mudo saddax saacadooda ah  ayaa waxaa looga hadlay howlaha Hay’ada dhaqaatiirta aan xaduuda lehyn (MSF) Soomaaliya ay ka wado,  hanaanka ay u socdaan Mashaariicdan dhinaca caafimaadka. Iyada oo kulanka ay  goobjoog ka ahaayen Madaxda Wasaaradda iyo Masuuliyiinta Hay’adda MSF.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Xoghayaha Joogta ee Wasaarada Qorsheynta, Maalgshiga iyo Horuamrinta Dhaqalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamed  ayaa ku bogaadiyay hay’ada Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee (MSF)  howlaha ay ka wadaan dalkeena in dib u bilaabaan tan iyo sanadkii 2013 kaddib.

“Waxaan marka hore soo dhaweynaa in howlahii hay’adan ay ka waday Soomaaliya in dib ay u bilaawdo ka dib markii ay hay’dan ay hakisay sanadkii 2013 shaqadii dalka ka waday, sababo la xariira in shaqaalaheeda dhibaato la kulmeen, waxaana hada ay bilaaben shaqada ay ka wadaan dalka inagoo talooyin ka siinay qaabka dalkeena xiligan u howlgalayo in ay dar dargailyaan shaqadooda.”ayuu yiri Xoghayaha joogta ee Wasaaradda.

Sidoo kale Xoghayaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta ayaa sheegay in ay  ka wada haldleen Istaaraatijiyada  2019 ee hay’adan ay uga howlgaleyso qorshaheeda Soomaaliya iyo sidii loogu saleyn lahaa baahiyaha caafimaad ay wadaan kuwa ahmiyadda u leh shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan isla garanay in ay noo soo gudbiyaan istaraatijiyada sanadka 2019 shaqooyinka dhinaca caafimaadka dalkeena, iyadoo qorshahooda u gudbin doonan Wasaaradda Caadimaadka dalka, Sidoo kale waxaan isla garanay in dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalka u dhashay in ay siiyaan Tababaro la xariira howlaha Cafimaadka sida qaliinka iyo cudurada guud” ayuu yari Xoghayaha Joogta Wasaaradda.

Madaxa Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xaduuda lahayn ee MSF ayaa soo dhaweeyay hanaanka ay u socdaan geedi socodka shaqooyinka Soomaaliya ee dhinaca samafalka ah, taalabo wanaagsan  ku tilmaamay sida ay ula xisaabtameyso  Wasaaradda Qorsheynta Hay’adaha gar gaarka isla amrkaana la ogaanayo shaqooyinka ay ka wadaan Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorsheynta ayaa tilmaamo ka baxinayo dadaalaada kala duwan ee Wasaaradda ay  wado ee muga leh ee  dhinaca la xisaabtanka hay’adaha  iyo ka warqabka hay’adaha ka howlgala dalkeena si loo ogaado shaqooyinka dalka ay ka wadan, isla markaana shaqooyinkaasi lagu saleeyo baahiyaha Ummadda Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta oo tababar u furtay ku dhawaad 30 suxufi “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Cadaaladda oo tababar u furay ku dhawaad 30 haween ah

Next Post
Wasiirka Cadaaladda oo tababar u furay ku dhawaad 30 haween ah

Wasiirka Cadaaladda oo tababar u furay ku dhawaad 30 haween ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In