Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo heshiis cusbooneysiin ah la saxiixday Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo heshiis cusbooneysiin ah la saxiixday Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wakiilo ka socday Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusbooneysiin ah oo ku aadan joogteynta tababarada ay siinayaan shaqaalaha Warabahinta Qaranka iyo qalabeynta Telefishinka Qaranka.

Sido kale Wakiilada Hay’ada VIKAS waxa ay madaxda Wasaarada guddoonsiiyeen qalab ay ugu talagaleen Telefishinka Qaranka, iyadoo munaasabadii heshiiska uu ka qeyb galay Sii-hayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay heshiis cusbooneysiin ah oo ku aadan xoojinta wada shaqeynta la saxiixdeen Madaxda Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS.

“Maanta axaan halkan ku wada saxiixanay cusbooneysiin oo ah heshiiskii wada shaqeyneyd ee horey nooga dhexeeyay, sidoo kale waxaan halkan ku saxiixnay oo aan ku guddoonay qalab ay noo keeneen Vikis iyo saaxiibada Finland nooga yimid, qalabkaas oo isugu jira ee kaamerooyin Istuudiyeyaasha loogu talagalay, oo wax badan ka badali doono shaqadeena iyo waxyaabo kale oo la xiriira oo Warbaahinta wax ka tari doono” ayuu yiri Agaasimaha Telefishinka Qaranka.

Eng, Andreas Wirth iyo Cabduweli Xasan Xaashi oo ka socday Hay’ada VIKAS ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in markale ay cusbooneysiiyaan heshiiska.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaalla oo saxiixay heshiiska ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiinta ka socotay Hay’adda VIKAS.

“Nimankan waxa ay qaateen qatar badan oo aysan qaadanin dadka iyaga oo kale ah, saacado badan ayay halkan nagula qaataan, maalmo badan ayay nala joogaan, waxa dhalinyaradeenu qabaan ayay la qabaan, marka runtii waxa ay noo muujiyeen, wax aysan dad badan noo muujin oo aysan dalal badan noo muujin, natiijadii ka dhalatay waxa ay tahay maanta inaan heysano faramayaqaano iyo wariyeyaal ay tababareen, oo xirfadlayaal ay ka dhigeen oo aqoon ku filan leh maanta.” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Sii-hayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in qalabkan uu waxbadan ka qaban doono baahiyaha shaqo ee Telefishinka Qaranka.

“Qalab waa qalab sida uu Injineerku noo sheegay, haddii banaanka loo baxayo iyo haddii halkan lagaga shaqeynayo, waa qalab tayo leh oo waxbadan ku soo kordhin doono Istuudiyeyaasha Wasaaraddu ay leedahay, marka aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, waan soo dhaweyneynaa xiriirka markale dib loo cusbooneysiiyay” ayuu yiri Sii-hayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta.

Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS ayaa horey tababaro kala duwan siisay qaar ka mid suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka iyo kuwa kale oo aan dowli ahayn ee ka howlgalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi

Next Post

Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha “SAWIRRO”

Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha "SAWIRRO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In