Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo heshiis cusbooneysiin ah la saxiixday Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka, Wareysiyada
0
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo heshiis cusbooneysiin ah la saxiixday Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wakiilo ka socday Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS ayaa maanta kala saxiixday heshiis cusbooneysiin ah oo ku aadan joogteynta tababarada ay siinayaan shaqaalaha Warabahinta Qaranka iyo qalabeynta Telefishinka Qaranka.

Sido kale Wakiilada Hay’ada VIKAS waxa ay madaxda Wasaarada guddoonsiiyeen qalab ay ugu talagaleen Telefishinka Qaranka, iyadoo munaasabadii heshiiska uu ka qeyb galay Sii-hayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay heshiis cusbooneysiin ah oo ku aadan xoojinta wada shaqeynta la saxiixdeen Madaxda Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS.

“Maanta axaan halkan ku wada saxiixanay cusbooneysiin oo ah heshiiskii wada shaqeyneyd ee horey nooga dhexeeyay, sidoo kale waxaan halkan ku saxiixnay oo aan ku guddoonay qalab ay noo keeneen Vikis iyo saaxiibada Finland nooga yimid, qalabkaas oo isugu jira ee kaamerooyin Istuudiyeyaasha loogu talagalay, oo wax badan ka badali doono shaqadeena iyo waxyaabo kale oo la xiriira oo Warbaahinta wax ka tari doono” ayuu yiri Agaasimaha Telefishinka Qaranka.

Eng, Andreas Wirth iyo Cabduweli Xasan Xaashi oo ka socday Hay’ada VIKAS ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in markale ay cusbooneysiiyaan heshiiska.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaalla oo saxiixay heshiiska ayaa u mahad celiyay mas’uuliyiinta ka socotay Hay’adda VIKAS.

“Nimankan waxa ay qaateen qatar badan oo aysan qaadanin dadka iyaga oo kale ah, saacado badan ayay halkan nagula qaataan, maalmo badan ayay nala joogaan, waxa dhalinyaradeenu qabaan ayay la qabaan, marka runtii waxa ay noo muujiyeen, wax aysan dad badan noo muujin oo aysan dalal badan noo muujin, natiijadii ka dhalatay waxa ay tahay maanta inaan heysano faramayaqaano iyo wariyeyaal ay tababareen, oo xirfadlayaal ay ka dhigeen oo aqoon ku filan leh maanta.” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Sii-hayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in qalabkan uu waxbadan ka qaban doono baahiyaha shaqo ee Telefishinka Qaranka.

“Qalab waa qalab sida uu Injineerku noo sheegay, haddii banaanka loo baxayo iyo haddii halkan lagaga shaqeynayo, waa qalab tayo leh oo waxbadan ku soo kordhin doono Istuudiyeyaasha Wasaaraddu ay leedahay, marka aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin, waan soo dhaweyneynaa xiriirka markale dib loo cusbooneysiiyay” ayuu yiri Sii-hayaha Xilka Wasiirka Warfaafinta.

Hay’adda Horumarinta Saxaafadda ee Dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS ayaa horey tababaro kala duwan siisay qaar ka mid suxufiyiinta Warbaahinta Qaranka iyo kuwa kale oo aan dowli ahayn ee ka howlgalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi

Next Post

Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha “SAWIRRO”

Guddoomiyaha gobolka oo kala hadlay Danjire Michael Keating xal u helidda dhibaatooyinka Barakacayaasha "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In