Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Dr. Xasan Cumar Mahadalla, ayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee XFS mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, marwo, Nuura Mustaf Guudow uga warbixiyay xaalada guud ee Jaamacadda.
Wasiirada oo booqasho ku yimid xarunta dhexe ee JUS ayaa kullamo la qaatay maamulka sarฤ JUS oo ay ugu horeeyaan Raktarka, Raktar-ku-xigeenada Jaamacadda iyo qaar ka mida Agaasimayaasha Jaamacadda.
Kulanka ayaa Wasiirka lagula wadaagay warbixnta guud ee Jaamacadda waxyaabaha u qabsoomay, baahiyaha JUS iyo qorsha horumarinta ee Jaamacadda.