Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxtooyada Qaranka oo faahfaahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Itoobiya ee ka dhanka ah Wafdiga Madaxweynaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxtooyada Qaranka oo faahfaahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Itoobiya ee ka dhanka ah Wafdiga Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxtooyada Qaranka ayaa faah faahin ka bixisay iskudaygii Ciidanka Ethiopia ay Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga hor istaageen inuu galo xarunta Shirka Midowga Afrika.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Qaranka Cabdiqaadir Cali Dige ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu khudbad ka dhan ah Itoobiya ka jeediyey shir Madaxeedka Midowga Afrika, kaasi oo uu Madaxweynuhu si cad ku sheegay damaca gurracan Itoobiya ay ku dooneyso Baddeena iyo Ficilada foosha xun ee ay Itoobiya ku dooneysay inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

“Madaxweynaha JFS ayaa khudbad uu ka jeediyay fadhiga loo dhanyahay ee Midowga Afrika waxa uu ka sheegay in xadgudubka ka dhanka ah Madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya ay ka dhalaneyso cawaaqib xumo saameysa xasiloonida iyo horumarka geeska Afrika, wuxuuna ugu baaqay hoggaanka Itoobiya inay ka waantoobaan damaca indho la’aanta ah ee aan u adeegeyn mustaqbalka labada shacab”.

Mudane Cabdiqaadir ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si cad u qeexday inayssn waxba ka jirin marmarsiyaha Itoobiya ee la xiriirta doonistooda badda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynuhu xusay in Ururrada heer Gobal iyo heer Qaaradeedba ay wada qireen xadgudubka Itoobiya iyo sida is afgaradkaasi uu u baalmarsanyahay sharuudda iyo xeerarka Caalamiga ah.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay.

 

 

Previous Post

Wasiir Balcad “Itoobiyaanku waxay isku dayeen inay Madaxweynaha ka joojiyaan shirkii uu saakay ka qeybgalayey”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo madaxda Midowaga Afrika ugu baaqay in meel looga soo wada jeeysto damaca gurracan ee Itoobiya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo madaxda Midowaga Afrika ugu baaqay in meel looga soo wada jeeysto damaca gurracan ee Itoobiya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo madaxda Midowaga Afrika ugu baaqay in meel looga soo wada jeeysto damaca gurracan ee Itoobiya

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In