Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Galmudug oo sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka shirkii Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Galmudug oo sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka shirkii Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu ay taageersanyihin go’aanadii ka soo baxay shirka Madasha wadatashiga Qaran, mar uu warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Mudane Cabdikariin oo ka hadlay aragtidooda maamul ahaan ay ka qabaan go’aanka  laga gaaray qaabka ay noqonayso doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadkan ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada ay isku aragti ka noqon waayeen hanaanka doorasho ee dalka, balse dowladda Federaalka ah ay gaartay go’aan , kaasi oo ay beesha caalamka ku taageereen.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Waxaa nasiib darro ahayd in madaxda maamul goboleedyadu ku heshiin waayaan qaabka ay doorashadu noqonayso, taasina ay sababto in dawlada dhexe go’aan qaadato beesha caalamkuna ku raacdo, waa go’aan lama dhaafaan ah waaana soo dhaweyneynaa kan maamul ahaan” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Mar hadii Go’aan la gaaray ayuu sheegay Madaxwanaha Galmudug in talaabada furani ay tahay in la dhaqangeliyo oo bulshada laga dhaadhiciyo si gaabis kale looga baaqsado, dhinacoodana ay qabanayaan kulamo wadatashi ah oo dadwaynaha looga dhaadhicinayo inay qaabkaasi doorasho u diyaar garoobaan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa hadalkaan sheegay xilli shalay gelinkii dambe uu dib ugu laabtay magaalada Cadaado.

DSC04296 DSC04297 DSC04298 DSC04301 DSC04304 DSC04307 DSC04310 DSC04311 DSC04312 DSC04314 DSC04322Maxamuud Cabdi Diirshe

Previous Post

Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika

Next Post

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb oo qeyb cusub lagu soo kordhinayo

Next Post
Garoon diyaaradeed oo laga hirgeliyay degmada Bardaale

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb oo qeyb cusub lagu soo kordhinayo

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In