Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.