Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha “Baarlamanku waa inuu dedejiyaa meel marinta sharciyada muhiimka u ah waddanka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha “Baarlamanku waa inuu dedejiyaa meel marinta sharciyada muhiimka u ah waddanka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 25 October, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Khudbad uu arrimo badan oo muhiim ah uu ku lafagurey, oo uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu ugu horeyn u mahadceliyay Baarlamanka, guddiyada joogtada ah iyo guddoonka sidii habsamida lahayd ee ay u socdeen howlaha barlamaanka muddadii la soo dhaafay.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026

Waxaa uu si gaar ah Madaxweynaha u taabtey xaaladda siyaasadda ee dalka iyo qorshaha xilliga kala guurka ee sannadka 2016-ka.

“In kastoo horumar la taabankaro la sameeyey , haddana waxa muuqata in ay weli qabyo yihiin hawlo badan oo ku xusnaa Hiigsiga 2016-ka sida: dib u eegista dastuurka, dhamaystirka dhismaha maamul goboleedyada iyo u diyaar- garowga doorashooyinka hal-qof-hal-cod ah oo aan dhammaanteen wada garowsanay in aanay ku dhamaystirmi karin xiligii loogu talo galay. Si horukaca Soomaaliya loo sugo waxa muhiim ah in la helo isbeddel siyaasadeed oo sharci ah, daah-furan kuna dhaca jawi nabad ah oo loo dhan yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley warbixin sannadeedkii dhowaan uu soo saarey Guddiga la Socodka Xaaladaha Soomaaliya iyo Eritrea ee Monitoring Group.

“Muddo ka badan 10 sano ayey hay’addan la socotay Soomaaliya, soona saaraysay warbixin kuwaan oo kale ah. Dhaliilaha ku cad warbixinta hay’addan waa badan yihiin, laakiin waa markii ugu horeysay ee ay warbixinteeda ku dartay in qaar ka mid ah hay’adaheena ay horumar dheeraad ah sameeyeen sida maamulka iyo maareeynta maaliyadda, xafidaadda iyo la socodka hubka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamanka looga baahan inay muddada yare ee u harsan ku dedejiyaan meel marinta sharciyada muhiimka u ah dalka sida dhismaha golaha adeegga garsoorka, oo uu sheegay in meelmarintiisu aad muhiim u tahay fulinta iyo meelmarinta sharciyada dalka u degsan.

Waxaa uu dhanka kale Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee ciidammada uu xusey in dalku uu marayo marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto illaalinta ammaanka, wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaasna shacabka laga dhowro wax kasta oo carqalad gelin kara, hannaanka siyaasadda iyo astaanka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu farey shacabka in laga fogaado dacaayadaha aan raadka lahayn sida wararka beenta ee maalmahan la isla dhexmarayo ee sheegaya in calanka wax laga beddelayo iyo kuwo la mid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladdu u taagan tahay ilaalinta madaxbanaanida iyo wadajirka Ummadda, lana xoojinayo illaalinta iyo difaaca dhammaan xudduudaha dalka, cir, dhul iyo bad intaba.

“Sidaad la socotaan waxay Dowladda Soomaaliyeed dacwad la xiriirta dhinaca badda ka gudbisay dalka aan dariska nahay ee Kenya. Sharciyaqaannada ku howlan dacwadan waxay marar badan warbixino la xiriira heerka ay marayso howlaha ay noo hayaan la qaybsadeen qaar ka mid guddiyada Golaha Shacabka. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinaynaa in dowladda Soomaaliyeed ay geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonto dhammaan ilaalinta xuduudaha. Waxaana kalsooni ku qabnaa in aanu xaqa Soomaaliyeed aanu lumi doonin’’.

Madaxweynaha ayaa waxaa munsaabadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamanka ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo baarlamanka ka tirsan.

Kalfadhigan 7-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu ka shaqeeyo barnaamijyada muhiimka u ah Hiigsiga siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka, oo la filayo in dalka ay doorashooyin ka dhacaan, lana adkeeyo nidaamka dib u soo celinta dowladnimo sal adag oo dalku uu yeesho.

— DHAMMAAD—

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA:- Roob lagu diirsaday oo ka da’ay Cadaado

Next Post

DAAWO SAWIRADA: Furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlaamanka

Next Post
DAAWO SAWIRADA: Furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlaamanka

DAAWO SAWIRADA: Furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlaamanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In