Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Baarlamanka iyo Xukuumadda waa inay dardar geliyaan hawlaha qaranka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo mar kale ku boorriyey xukuumadda xalinta tabashooyinkii ka dhashey dhismaha baarlamanka maamulka Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 18 August 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyey hay’adaha dastuuriga ee dalka, sida Baarlamanka iyo Xukuumaddu in ay dardar geliyaan hawlaha ay Qaranka u hayaan.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ugu baaqey Xukuumaddu in ay kordhiso ka warqabka waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha hoos yimaada, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan dhab ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Waajibaad ayaa ina wada saaran, kaas oo ku saleysan inaan si hufan ugu adeegno Qaranka. Waxaan ugu baaqayaa Baarlamanka oo ah hay’adda sharci dejintu in uu de-dejiyo dhammeystirka shuruucda aasaasiga u ah hannaanka dowladnimada. Waxaa shuruucdaas ka mid ah shuruucda kala ah – ka hortagga musuqmaasuqa, maalgelinta shisheeye, isgaarsiinta, iyo qandaraasyada. Shuruucdaas dhammaantood waxay saldhig u yihiin hirgelinta nidaam hufan oo isla xisaabtan ku saleysan’’, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta nidaam hufan, dalka laga abuurey Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ay ku wada jiraan xubno ka socda dowladda, hay’adaha caalamiga ee Bankiga Adduunka (World Bank), Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB), kuwaas oo durba hawshoodu ay wax badan ka bedeshey nidaamka maamulka maaliyadda ee Soomaaliya.

“Waxaan Xukuumadda farayaa in la dardar geliyo hawlaha Guddiga Maamulka Maaliyadda, isla markaana la taageero dib u eegista guddigan ku sameynayo qandaraasyada dowladdu ay bixisey, iyada oo la raacayo nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, heshiiskii aan buuxin shuruudahaasina la mariyo sida sharcigu uu dhigayo’’.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu sheegay in mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad dhisiddu uu yahay garsoorka, loona baahan yahay in Baarlamanku uu de-dejiyo dhammeystirka meel marinta shuruucda iyo dhismaha hay’adaha garsoorka ee dastuurka ku xusan oo dhan, sida Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqey warbaahintu in ay door waddaninimo ka cayaarto dadaallada dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada, lagana dhowrsado faafinta wararka horseedi kara amni darro iyo tafaraaruq shacabka soo dhex gala.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn si gaar ah u bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed oo mar walba ka damqada dhibaatada dalkooda uu ku jiro, isla markaana gacan ka geysta dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Howlgallo laga sameeyay degmada Afgooye oo lagu soo qabtay tiro dad ah

Next Post
Ciidamo Boliis Ah Oo Afgooye Xaafada Ka Mid Ah Fariisimo Ka Sameystay

Howlgallo laga sameeyay degmada Afgooye oo lagu soo qabtay tiro dad ah

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In