Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Ciidanka Booliska waxa uu tusaale u yahay dib u soo kabashada Soomaaliya’’ SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Ciidanka Booliska waxa uu tusaale u yahay dib u soo kabashada Soomaaliya’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 20 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 72-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa hooyadda dhammaan ciidammada kala duwan ee Soomaaliya leedahay. Waxaa ciidankan uu misaal u yahay soo kabashada Soomaaliya, iyadoo aan ognahay inay ku guuleysteen inay badbaadiyaan keydka taariikhiga ah ee uu ciidanku lahaa. Waxaa munaasabadihii horay halkan uga dhacay na loogu soo bandhigay galka askarigii ugu horeeyay ee booliska loo qoray sannadkii 1943-kii, markii ciidankan la dhisay, taasina waxay muujineysaa kartida ciidankan iyo sida geesinimada leh ee ay u difaacdeen keydkooda taariikheed”, ayuu yiri Madaxweynaha oo maanta xarunta Akademiyadda Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho kaga qeybgaley munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalinta booliska.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in booliska ay tiir dhexaad u yihiin ilaalinta sharciga, loona baahan yahay in shacabku garto in sharcigu uu yahay furaha cadaaladda iyo nabadda.

‘’Dowladnimadu waa xoog sharciyad leh. Halkudhegga ah Sharciga ilaali ha ku ilaaliyee, waxaa micmaheedu yahay in shacabka ay sharciga u hiiliyaan si ay nabad iyo caddaalad ugu noolaadaan.Aad baan ugu faraxsanahay horumarka uu sameynayo Ciidanka Booliska Soomaaliya.Waxaan si gaar ah u ammaanayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan, oo ah nin laamaha amniga ee dalka horumar badan ka sameeyay, sida diyaarinta kaadiriinta cusub ee Ciidammada Nabadsugidda Qaranka, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo haatan booliska ‘’.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu sheegay inuu soo dhoweynayo dadaalka Ciidanka Booliska ee dhinaca kobcinta aqoonta ciidammada, sida qorista iyo akhrinta afka Soomaaliga, oo haatan ciidammo badan oo aan horay u qori jirin la siiyay fursad ay ku bartaan qorista afka, si ay u noqdaan ciidammo xirfado dhammeystiran leh dhan kasta.

“In Boolisku aqoon yeesho waa arrin muhiim ah, waxaanna wax lagu farxo ah in Taliyaha Booliska iyo Ciidanka Booliska ay xoogga saareen in booliska ay noqdaan kuwo aqoonta laamaheeda kala duwan barta, oo ay ugu horeyso qorista afkeena hooyo. Dardaaranka aan u jeedinayo booliska ayaa ah in muhimad la siiyo aqoonta’’.

Ugu Dambeyn waxaa uu Madaxweynaha ammaan u jeediyay beesha caalamka oo iyana gacan weyn ka geysatey dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Qaramada Midoobay, Midowga Afrika , Midowga Yurub iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, waxaan uga mahad celinayaa sida ay uga qeyb qaateen dib u dhiska ciidankeena booliska. Waxaan si gaar ah mahad ugu celinayaa Mareykanka, Isutagga Imaaraadka Carabta, Talyaaniga, Djibouti, Uganda iyo waddamo kale oo gacan ballaaran ka geystey maalgelinta, tababarada iyo baahiyada kale ee ciidammadeena booliska’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda waxaa kale oo hadalo ka soo jeediyay Taliyaha Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo ciidammada.

Waxaa goob joog ka ahaa xafladda xubno labada gole ka tirsan, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo halkaasina lagu soo bandhigey bandhig faneed ay hormuud ka ahayd kooxda Heegan ayna kala qeyb galeen kooxo kale.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16

Previous Post

Madaxweynaha oo gudoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In