Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dalka oo bogaadiyey doorashooyinka Gobollada Woqooyi ee Muqdisho ka billowday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Guddiyada Doorashooyinka Dadban, Madaxda Dhaqanka Gobollada Woqooyi , Ergooyinka Gobollada Woqooyi doorashada Golaha Shacabka oo maalintii shalay ka billowday magaalada Muqdisho.

“Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka billowday ee Muqdisho, waxay sii adkeneysaa sida dhammaan Ummadda Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka gudbaan marxaladaan Tariikhiga ah ee ay ku dhismeeyso Soomaaliyada cusub, oo si wada-jir ah ugu diyaarsan horu-socod iyo u bislaashiyaha dowladnimada iyo raadinta midnimada Qarannimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya , wuxuu u mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo ku guuleystay in doorashooyinka Golaha Shacabka in ay qabsoomaan in ka badan intooda badan.

Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha Gobollada Woqooyi , Guddiyada Doorahsooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Kan Gobollada Woqooyi inay xaqiijiyaan doorka qoondada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).

Madaxweynaha ayaa ka digaya fara-gelin lagu sameeyo guddiyada badaxa banaan ee Doorashooyinka Dadban, wuxuuna ku baaqayaa inla ilaaliyo habraaca doorashooyinka ee horrey loogu heshiiyey lagana fogaado wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanaya Shacabka, ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwa AMISOM, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha caalamka dulqaadkooda iyo ka qeyb qaadashadooda ku aadan in la soo gaaro maanta, in heer gaba-gaba ah ay marayaan Doorashooyinka Dadban ee ka dhacay 6 magaalo oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Previous Post

Puntland oo ciidamo dhinaca Badda ka gala u dirtay degmada Qandala

Next Post

Doorashada Aqalka Sare ee xubnaha gobollada Waqooyi oo ka bilaabanaysa Muqdisho

Next Post
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Doorashada Aqalka Sare ee xubnaha gobollada Waqooyi oo ka bilaabanaysa Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In