Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dib u dhiska dalka inaga ayaa na laga rabaa, waxaanna shacabka ugu baaqayaa inaan mas’uuliyaddaasi laga cararin”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Dib u dhiska dalka inaga ayaa na laga rabaa, waxaanna shacabka ugu baaqayaa inaan mas’uuliyaddaasi laga cararin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Muqdisho, 20 June , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jarey Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho (Ex Ufficio Governo) oo dhowaan maamulka gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada maamulka gobolka Banaadir uu qaadey isagoo kaashanaya shacabka ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

“Waa inaan u wada guntanaa mashruuca DALKAAGA DHISO oo haatan ka soo gudbey heerkii fikirka, lonna beddeley waxqabad dhab ah oo sida maanta idin muuqataa aan dhex fadhino aqal taariikh fog ku leh dalkeena, oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii uu lahaa. Ganacsatada Soomaalida ee dalalka dibedda ku nool waxaan ku boorrinayaa inay dalkooda maalgashadaan , waxayna taasi sahleysaa dib u dhiska iyo shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ku ammaaney maamulka gobolka iyo degmooyinka Banaadir mashariicda kala duwan ee horumarineed ee ay ka dhaqan geliyeen degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

“Muqdisho way ka soo kabaneysaa dhibaatooyinkii badnaa ee la soo marey, waxayna u gudubtey marxalad cusub oo ay gacan weyn ka geysteen maamulka gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka oo dhammaantood ah dhalinyaro. Dayactirka dhismahan waxaa uu qeyb ka yahay hawsha wanaagsan ee aan ku ammaanayo gobolka. Waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in dhismahan uu ka dhexeeyo Soomaali oo dhan maadaama ay halkani tahay caasimaddii dalka’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii dadka hantidooda la haysto dib loogu soo celin lahaa, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka garsoorka ee dalka ka jira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maamulka uu xoogga saarey hirgelinta mashaariicda dhinacyada horumarinta, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada si loo kaafiyo baahida shacabka ku nool caasimadda iyo goobaha ku dhow.

Waxaa uu intaa ku darey in dhowaan magaalada laga hirgelin doono mashaariic kale oo dhinaca adeegga bulshada la xiriira.

Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigey waxqabadkooda, gaar ahaan mashaariicda horumarinta, isdhexgalka bulshada iyo kuwo kale.

Munaasabaddan waxaa kale oo ka soo qeybgaley Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaalladda, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), wasiirro , xildhibaanno, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18

Previous Post

Arday dhameysatay dugsiyada sare ee Turkiga oo xaflad loo qabtay-Sawirro

Next Post

Wargelin:- Musharaxiinta gudiyada Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo kuwa Xuduudaha

Next Post
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda

Wargelin:- Musharaxiinta gudiyada Madaxa banaan ee doorashooyinka iyo kuwa Xuduudaha

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In