Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo ka Guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doonaa Dalka Djibouti Danjire Salaad Cali Jeelle.
Danjiraha Soomaaliya Mudane Salaad Cali Jeelle oo Madaxweynaha gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in uu dadaal badan gelin doono xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan.