Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga ayaa kormeeray qaybo ka mid ah xarumaha dowladda ee bur bursan oo ay ka midtay xaruntii maxkamadda Gobolka Baay
Kadib markii dhawaan Baarlamanka Koonfur Galbeed uu ansaxiyey Guddiga Adeega garsoorka baarlamanka ayaa waxaa maanta xaruuntii hore ee Maxakamadda Gobolka Baay kormeeray Madahaweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu weheliyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Cabdifataax Maxamed Ibraahim geesay
Dhismaha Maxakamadda ayaa waxaa ka muuqadey bur bur, Maadaama dhoor iyo labaatankii sano ee lasoodhaafey aanay shaqeyn isla markaana helin wax dib u dayacatir ah
Mas’uuliyiinta ayaa kormeeray qaybaha dhismaha Maxakamadda ay ka koobantahay . madaama dawladdu ay waddo qorshe dib u dhis looga sameynayo xarumihii dawladda oo badankooda ka muuqata Bur bur.
Wasiirka amniga Cabdifataax Geesey oo saxaafadda la hadlayey ayaa sheegay in u jeedka kormeerka ay la xiriirtay sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa bur bruka ka muuqda xarunta maxkamadda, waxaana uu intaa ku daray in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu amar ku bixiyay in dib u dhis lagu sameeyo xaxrunta maxkamadda.
Kormeerka Madaxweynaha Koonfur Galbeed maxkamadda gobolka ayaa ku soo aadaya xili dhawaan baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ansixiyey Guddiga adeega garsoorka.
Siraaji Sheekh Isxaaq Baydhabo