Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Puntland “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo kormeeray qaar ka mid ah xarumaha Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleed Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 7 May 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe,  xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Maxkamada sare, xarunta Wasaaradda Waxbarashada, xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorsheynta, xarunta Wasaarada Warfaafinta, iyo xarunta laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Maxkamada sare ee Garoowe xili ay ka socotey shaqada maalin laha ah ee ay qabato xarunta, halkaasi oo uu kulan gaara kula qaatay Guddoomiyaha maxkamada sare ee Puntland, kulankaas oo ahaa mid xog waraysi iyo hanaanka ay usocoto shaqadu iyo sida ay ugu shaqeeyan bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Xilgii Madaxweynaha Puntland uu ku guda jiray kormeerka ayaa waxa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee xarunta maxkamada sare, halkaas oo ay ku sugnaayeen shaqaalaha iyo shacabkii loo shaqeenayey, iyadoo uu is xog waraysi kadib uu kula dardaarmay shaqaalaha maxkamada sare ee Garoowe inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabka,  isla markaana ay ugu adeegaan si hagar la’aan ah oo cadaaladi ku dheehan tahay.

Dhinaca kale  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqsho ku maray Wasaaradaha kala ah Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda qorsheynta iyo  xarunta Wasaaradda Warfaafinta, xarumahaas oo dhammaantood  uu mid-mid u galay xafiisyadooda kala duwan.

Sidoo kale Madaxweynha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas intii uu ku guda jirey booqashada Wasaaradda Warfaafinta waxa uu kormeeray mashruuc dhawaantan laga hir galiyey Puntland,  mashruucaas oo lagu horumarinayo Teknoloojiyadda iyo isgaadhsiinta Puntland, si ay u fududaato xiriirka Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Puntland iyo dhammaan xarumaha kale ee dhigeeda ah ku yaala Soomaaliya iyo heer Caalamiba.

Wasaaradaha hadda barnaamijkaan laga hirgeliyey waxaa kamid ah Wasaaradaha Warfaafinta, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda  Caafimaadka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Xarunta Madaxtooyada Puntland,  iyadoo xarun walba loo sameeyey Conference Room iyo Puplic IP ay u madax bannaan tahay si ay ugu fududaato xidhiidhka heer goboleed iyo mid Caalamiba.

Ugu danbeyn Madaxweynha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu booqdey xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadda Puntlan, halkaasi uu kula kulmay maamulka xarumahaasi, isla’marhaantaa ka xog wareesatay sida ay shaqda xafiisyadu u socoto, kadibna  kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan, Sidoo kale Madaxweynha Puntland ayaa goobihii adeega loogu samaynayey bulshada waxa uu kula kulmay shacab Soomaaliyeed oo badankiisu ka yimid Gobolada Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid ahaa dad bukaan socod ah oo baahi weyn uqabay in ay helaan adeeg caafimaad oo dibada ah, iyadoo Dr Cabdiweli u amary in si deg deg ah loogu sameeyo adeega ay u baahan yihiin si socdaalkoodu ugu fududaado.

 –DHAMMAAD–


 

Previous Post

Shir looga hadlayo in la helo sharci mamnuucaya dhoofinta dhuxusha oo ka furmay Muqdisho

Next Post

Xasilinta deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post
Xasilinta deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug oo laga hadlay “SAWIRRO”

Xasilinta deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug oo laga hadlay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In