Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay wafdi ka socday xafiiska UNSOM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo la kulmay wafdi ka socday xafiiska UNSOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxtooyada Garoowe  ku qaabilay wefti uu hogaaminayey madaxa xafiiska UNSOM Puntland Mr. Aaward Bell.

Mr. Aaward Bell iyo weftiga uu hogaaminayo waxaa ay ka wada hadleen arrimo la xidhiira doorashooyinka iyo abaaraha kajira Puntland

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Weftigan ka socday xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa waxa ay ugu horayn Puntland ku bogaadiyeen hanaanka geedisocod ee doorashooyinka heer Federal ee Puntland ka socda, doorashooyinkaas oo Puntland si habsami ah uga socda, waxayna sidoo kale tibaaxeen in beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey ay sidhow ula socoto dedaalada dheeriga ah ee Puntland ku bixisay sidii ay u hir geli lahayd hanaanka Dimuqraadiyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa ugaga mahad celiyey Madaxda xafiiska UNSOM Mr. Aaward Bell kawarhaynta iyo lasocodka doorashooyinka ka socda Puntland, sidoo kalena uga warbixiyey doorashada aqalka hoose ee haatan ka socota Puntland halka ay marayso.

Ugu danbayn Dr Cabdiweli Gaas ayaa weftiga ka socdey xafiiska UNSOM si qoto dheer uga xog bixiyey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland welibana u sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

IMG_0786 vlcsnap-2016-11-21-23h21m25s249

Previous Post

Doorashada Aqalka Hoose oo ka socota Baydhaba iyo Xildhibaanno la doortay

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Minnesota “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Minnesota “SAWIRRO”

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Minnesota "SAWIRRO"

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In