Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Cadaado “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Cadaado “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Maamulka iyo shacabka Degmada iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug.

Socdaalkan waxaa Madaxweynaha Galmudug ku wehlinayay Wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo goob fagaara ah kula hadlay dadweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran, isagoo ku tilmaamay Cadaado inay aasaas u tahay midnimadda Galmudug.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ku dhiirageliyay iney ka qeybqaataan dib-u-heshiisiinta bulshada, isagoo reer Cadaado ugu baaqay inay hormuud u noqdaan Nabadda iyo wada-noolaashiyaha sidii looga bartay.

Socdaalka Wafdiga Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku qotama adkeynta amniga iyo arrimaha dib-u-heshiisiinta. wuxuuna kulamo la qaadan doonaa laamaha kala duwan ee bulshadda.

Previous Post

Qoysaska Ku Nool Wanlaweyn Ee Saameynta Ku Yeeshay Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Xaalado Adag Soo Wajahday “SAWIRRO”

Next Post

Agaasime Ku-Xigeenka Guud Ee Madaxtooyada Qaranka Oo Ka Hadlay Doorka Dhallinyarada Ee Horumarinta Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Agaasime Ku-Xigeenka Guud Ee Madaxtooyada Qaranka Oo Ka Hadlay Doorka Dhallinyarada Ee Horumarinta Dalka “SAWIRRO”

Agaasime Ku-Xigeenka Guud Ee Madaxtooyada Qaranka Oo Ka Hadlay Doorka Dhallinyarada Ee Horumarinta Dalka “SAWIRRO”

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In