Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliso Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Fardowso Maxamed Cigaal ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Degmada Ballanballe.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay bulshada iyo maamulka Galmudug isku tashiga ay ku dhisteen garoonkan, isagoo ballan qaaday in la dhameystiri doono waxyaabaha ka dhimman dhismaha garoonka.