Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb ka dhagax dhigay Xarunta Dhallinyarada Galmudug.
Xaruntan ayaa waxaa hirgalinaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, ayadoo ay maalgaliyeen Midowga Yurub iyo UNFPA.
Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in dhismaha xaruntaan ay dabooli doonto baahiyaha Dhallinyarada reer Galmudug oo ay kordhin doonto hal-abuurka, isdhexgalka bulshada, xirfad isweedaarsiga iyo madadaalada dhalinyarada.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Dhallinyarada, Hay’adaha maalgaliyay iyo kuwa fuliyay intaba.