Madaxweyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyay casuumadda loo fidiyay iyo marti gelinta qiimaha badan ee loo sameeyay, isagoo si gaar ah u mahadceliyay Madaxda Machadka Cilmi baarista ee Heritage.
Doorashada 2025 sida aan ku gaarno waxa ay ku xirantahay sida aan uga shaqeyno shirka maanta la joogo
- Qabadasha doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan xisbiyo
- Amni sugan oo gacanteena ku jira
- Nidaam Federaal oo si wanaagsan u shaqeynaya, ugana dhaqan gala dhamaan Soomaaliya
- Dastuurka oo la dhameystiro, aftina loo qaado, muddo xileedka cusub 2021-2025-ka
Madaxweynaha Galmudug ayaa xusay in tallooyin wax ku ool ah ka soo bixi doonaan shirka
“Walaalayaal sida aan u ekaaneyno afar sanadood kadib, horumarka siyaasadeed aan gaareyno, xasiloonida amniga ee aan heleyno, waa wax gacanteena ku jira oo aan meel kale laga dooneynin, waxaana saldhig u ah sida aan u maareyno doorashada taagan sanadka 2020/2021, iskugu tanaasulno, u dhameyno farqiga iyo aragti kala duwanaanshiyaha jira, oo aan innagu isu muuqan, ee aan eegno mustaqbalka wanaagsan ee jiilka Soomaaliyeed ee soo socoda” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.