Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegay Dhuusamarreeb.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaallanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka
.