Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo shacabka Gaalkacyo la tukaday salaadda Ciidda.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo shacabka Gaalkacyo la tukaday salaadda Ciidda.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa saakay magaalada Gaalkacyo kula tukaday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Galkacyo.
Madaxweynaha ayaa salaadda ka dib hambalyada Ciidul Adxaa u diray dhamaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku suganyihiin.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida ee howlgalada lagu sifeenayo cadowga argagaxisada ka wada deegaanada Galmudug. Madaxweynaha ayaa boggaadiyay ciidamada asagoona sheegay in ay ka gacan sarreeyaan cadowga kana guulkeeni doonaan.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Dowladda Goboleedka Puntland oo Iskaashi iyo garab istaag u muujisay Dowladda iyo shacabka Galmudug. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Puntland inay sii laba jibaaraan Iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah DFS inay si isku mid ah uga qeyb noqdaan howlgalada lagu soo afjarayo kooxaha nabaddiidka ah.
Madaxweynuhu wuxuu uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo garab istaagga howlgalada ka dhanka cadowga, madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay DFS inay si buuxda uga qeyb qaataan howlgalada la dagaalka argagaxisada.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii sheegay in Galmudug ay dhinaca kale u diyaar tahay qabashada Doorashada labada aqal ee BFS. Madaxweynuhu ayaa hoosta ka xariiqay in Galmudug muddo dheer ay geed fadhi u aheyd dadaalada lagu doonayay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah , Sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la fuliyo heshiisyada iyo habraacyadii arrimaha doorashooyinka
Gabogabadii, ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay shacabka Galmudug inay si buuxda u garab istaagan ciidamada qalabka sida ee had iyo goor u taagan xoreynta deegaanadooda.
Previous Post

Magaalada Xuddur oo si weyn  loogu dabaal dagay Maalinta Ciida Carafo “Sawirro”.

Next Post

Duqeyn ka dhacday deegaannada Galmudug oo lala beegsaday Maleeshiyada Al-Shabaab

Next Post
U.S., Federal Government of Somalia target al-Shabaab encampment

Duqeyn ka dhacday deegaannada Galmudug oo lala beegsaday Maleeshiyada Al-Shabaab

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In