Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducalle Xaaf, ayaa maanta kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda Galmudug, isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Xoreynta deegaanada Nabad diidka Alshabaab ay ku dhuumanayaan.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay ka goโan tahay in xor ay noqdaan deegaanada hadda gacanta ugu jiro argagixisada, waxaana bulshada Soomaaliyeed oo ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan dagaalka Nabad diidka lagula jiro.
Nabad diidka Al-Shabaab, ayaa hadda ku dhuumanaya deegaano tiro yar oo ay kamid yihiin inta u dhaxeysa ย Galcad, Xarardheer iyo Ceel dheer ooย kawada katirsanย Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasi oo dhowaan la qorsheynayo inay soo galaan gacanta Ciidanka geesiyaasha ah ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.