Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu hareer fadhiyo ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo maanta looga hadlay qodobo kala duwan, laguna meelmariyey afar (4) Hindise sharciyeed.

Kulanka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay Wasiirka Amniga Gudaha oo golaha usoo bandhigay qorshaha dib u xorreynta Deegaannada maqan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Golaha ayaa go’aamiyey in la xoreeyo deegaanka kujira gacanta argagixisada, lana bilaabo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday falkii gurracnaa ee todobaadkan ka dhacay Cabudwaaq. waxaana hoosta laga xariiqay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii geystay fal-danbiyeedkaas.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa go’aamiyey in si daahfuran loo soo xulo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha. waxayna u xilsaareen Guddi ka kooban Wasiiradaha; Maaliyadda, Shaqadda, Waxbarashadda, iyo Caafimaadka inay ka gacansiiyaan Hay-adda Shaqaalaha Rayidka ee Dowlad Goboleedka Galmudug arrintaas.

Ugu danbeyntio Golaha ayaa kulankooda ku meelmariyey sharciyada; Sharciga Nootaayada, Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Kalluumeysiga iyo Sharciga Shirkadaha Ganacsiga.

Previous Post

Roobabkii ka da’ay Caasimadda oo saameeyay shacabka Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo faray Maamulka Gobolka in degdeg ay wax uga qabtaan biyaha xiray jidadka qaar iyo Nadaafadda Caasimadda “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo faray Maamulka Gobolka in degdeg ay wax uga qabtaan biyaha xiray jidadka qaar iyo Nadaafadda Caasimadda “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo faray Maamulka Gobolka in degdeg ay wax uga qabtaan biyaha xiray jidadka qaar iyo Nadaafadda Caasimadda “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In