Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo bogaadiyay guulaha ciidanka Xoogga iyo kuwa Deegaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo bogaadiyay guulaha ciidanka Xoogga iyo kuwa Deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shir-guddoomiyay Kulanka toddobaad-laha ee Golaha Wasiirada.

Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa maanta looga hadlay Arrimaha amniga, Howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Aafooyinka ka dhalankara Fatahaadaha iyo duufaannada El-Nino, Maamul u sameynta deegaannada la xoreeyay iyo dardargelinta dhismaha goleyaasha deegaanka, Caqabadaha ku xeeran dhaqangelinta iyo la socodka deeqaha duufaannada iyo fatahaadaha El-Nino.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Golihiisa Wasiirada uga warbixiyay kaalintiisa kaga aadan hogaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-shabaab, isagoo xusay in socdaal qaatay mudo ku dhow labo-bilood uu ku sugnaa furimaha hore ee dagaalka si loo dhiirigeliyo ciidankeenna geesiyaasha ah iyo kuwa dib u xoreynta ee ku sugan deegaanada Nuur-dugle, Cadaanlaxeey, Cadcadeey, Daaru-nicma iyo Ceel Cali Axmed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale ka warbixiyay booqasho iyo kormeer ku tagay Degmooyinka Aadan-yabaal, Alkowsar, Cali Gaduud iyo deegaanada Guulane iyo Maxaa saciid oo bulshada magaalooyinkaas uu kala hadlay ka qeybgalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta isagoo xusay inay kasoo jawaabeen baaqii la dagaalanka khawaarijta oo ay soo diyaariyeen ciidamo badan oo ka qeyb noqonayo xoogga dib u xoreynta deegaanka dhowaana ay xoreyn doonaan deegaanada aan wali xoroobin.

Wasiirka Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyay howlgal maalmihii ugu dambeeyay ka socday dhulka howdka ah ee deegaanada Ciidciidka iyo Jembiloow oo saaka ciidankeenna geesiyaasha ah ay u dhaadhaceen godadkii ay ku dhuumaaleysanayeen khawaarijta arxanka daran.

Ugu dambeyn, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha u faahfaahiyay sida ay lagama maarmaan u tahay in maamulo loo sameeyo deegaanada la xoreeyay iyo muhiimada ay dowladda u leedahay dhismaha goleyaasha deegaanka

Previous Post

R/W Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Calanka

Next Post

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Next Post
Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In