Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dhagax-dhiggay waddada isku-xirto garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.
Masuuliyiinta shirkadda u xil saaran dhismaha waddada ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle u faahfaahiyay baaxadda shaqadda iyo xilliga ay soo dhammaaneyso.
“Sannad iyo bar oo dagaal ah kaddib Dowladda Hirshabeelle isku-tashi ayay ku dhisaneysaa deegaanadeeda. Alle ayaa mahad leh oo maanta noo suurageliyay inaan biloowno dhismaha waddada xiriirisa garoonka iyo magaalada Jowhar.”. Ayuu yiri Mudane Cali Guudlaawe.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay Dowladdooda garab istaagaan