Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan dadweyne la qaatay shacabka Degmada Jalalaqsi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan dadweyne la qaatay shacabka Degmada Jalalaqsi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ayaa fursad u siiyay dadweynaha degmada Jalalaqsi inay weydiiyaan su’aallo toos ah.

Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deegaannada Degmada Jalalaqsi, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowladnimada, iyadoo loo marayo kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Waxa kale oo la isla soo qaadey siyaasadda iyo istaraatiijiyadda dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka dalkeena iyo Waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Ka soo qayb-galayaasha kulanka Dowladda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo tallooyin la wadaagaya Madaxweynaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

“Jalalaqsi waxaan ka hirgalineynaa adeegyada aas-aaska u ah Dowladnimada, waxaan dhageystay aragtidiina.”

Kulamada dadweynaha uu la qaadanayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka tarjumayo sida ay uga go’an tahay u khidmeynta shacabkiisa.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhiirigelin ugu tegay Ciidamada Kumaandooska Danab

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In