Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ku sugan Xafiiska Beledweyne, waxaana kulanka looga hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhiska deegaannada Maamulka Hirshabelle.

Ugu horeyn Saraakiisha ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle waxa ay ugu hambalyeeyeen Mas’uuliyadda culus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Saraakiisha ugu sareysa xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha Hirhshabeelle howlaha ay ka qabteen deegaannada Maamulka iyo waxyaabaha horyaalla in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada, arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya Hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, isla markaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ah ee soo food saara bulshada Hirshabelle.

Mudane WaareΒ  oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan, taasina looga baahanyahay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxaΒ  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale ah oo la isku xog wareysanayo.

Previous Post

Ciidamada xasilinta caasimadda oo howlgallo ka fuliyay degmada Yaaqshiid

Next Post

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka Dalka “SAWIRRO”

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka Dalka "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In