Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa garoonka diyaaradaha ee Aaden Cade kusoo dhoweeyay Wasiiro, Xidhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qaar ka mid ah Xubnaha Labada Gole ee Hirshabeelle, qeybaha bulshada iyo Masuuliyiin kale.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan arrimaha amniga, howgalada lagu baacsanayo kooxda khawaarijta ah ee ka socda deegaannada Hirshabeelle, arrimaha nabadeynta iyo saameynta deegaanada Hirshabeelle uu ku yeeshay roobabka iyo fatahaadaha wabiga shabeelle.

Mudane Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay inuu booqday furimaha hore ee dagaalka si uu dhiirigeliyo ciidankeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan baabi’inta cadowga shacabka Soomaaliyeed isagoo intaa ku daray inay wadaan abaabul dhowaan loo ruqaansan doono xoreynta deegaanada galbeedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xusay in saameyn aad u daran ay u geeysteen roobabka iyo fatahaadaha wabiga shabeelle degmooyinka Beledweyne, Buulo-burde, Jalalqsi, Mahadaay iyo Jowhar isagoo adkeeyay inay ugu daran tahay Magaalada Beledweyne oo dadkii deganaa ay ka barakaceen,  waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay caawiyaan dadka ay saameeyeen roobabka iyo Fatahaadaha.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dul istaagay baaxadda dhibaatada Roobabka El-nino ee soo gaartay deegaannada Jubbaland

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya "SAWIRRO"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In