Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Baarlmaanka Ee Maanta La Doortay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Baarlmaanka Ee Maanta La Doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee baarlamanka 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

“Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatey shacabka Soomaaliyeed  Waxay tani qeyb ka tahay horumarada dalka uu ku tilaabsanayo loona baahanyahay in la sii xoojiyo, Hambalyo ayaan leeyahay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Xilka culus ee laguu doortay allaha kaa dhigo kii ka soo baxa horumar gaarsiiya dalka” Ayuu Yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle  Cali Cabdulaahi Cosoble Oo Sii Hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Bulshada reer Hirshabeelle horumarada laga gaaray geedi socodka siyaasadda Soomaaliya, waxayna umadda soomaaliyeed ay la qeyb sanayaan horumaradaasi ayna ku boorinayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii dalkani loo gaarsiin lahaa Xasilooni amni iyo mid siyaasadeed.

“tani waa Guulaha taariikhiga ah ee uu dalku galayo  waxaana rajeyneynaa hadduu Alle idmo inay sidaas isu dabo socoto, dowladda soo socotana ay noqoto middii Soomaaliya ay uga baxeysay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee soo gaaray, horumarka jirana dhammeystiri lahayd” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Previous Post

Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha dalka oo hambalyo u diray guddoomiyaha baarlamaanka

Next Post
Madaxweyne Xasan “Inta uusan dhamaan sanadkan Madaxweyneyaasha Urur Goboleedka IGAD shir ayay ku yeelan doonaan Muqdisho”

Madaxweynaha dalka oo hambalyo u diray guddoomiyaha baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In