Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Cismaan Barre iyo ku xigeenadiisa, xubnaha golha wakiilada Hirshabeelle, Xubno Golaha Wasiirada Maamulka iyo Guud ahaan shacabka Reer Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyay Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ee uu Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay xilkaasi.
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle waxay si weyn ugu hambalyeyneysaa Ra’isul wasaaraha cusub oo ay aaminsantahay in uu yahay shaqsi aqoonyahan ah oo dalka u horseedi kara nabad iyo xasilooni, waxaana alla ay uga baryeynaa in uu ilaah u fududeeyo xilka culus ee loo doortay” Ayuu Yiri Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.
“Anigoo marka hore ka faa’idaysanaya fursadani waxaan hambalyo u dirayaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, waxaan sidoo kale ku boorinayaa shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan inay u soo duceeyaan, oo garab istaagaan madaxdooda, niyadana u dhisaan, Baarlamaankana waxaan ka codsanaynaa in ay an sixiyaan ra’iisul wasaaraha si uu u sii wado howlaha horyaalo.”. ayuu sii raaciyay Hadalkiisa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo sii hadlay ayaa ammaan balaaran u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay shaqsi wadani ah, ayna ka go an tahay in dalka uu gaarsiiyo Nabad iyo hormar waarta, waxaana umadda Soomaaliyeed aan ku boorinayaa in sida ay u taageereen dowladani cusub ay u taageeraan si buu yiri aan u soo ceshano karaamada aan ku laheyn caalamka, waxaana uu balanqaaday ka maamul Hirshabeelle ahaan ay garab taaganyihiin dowladani cusub ayna si wanaagsan ay ula shaqeyn doonaan.