Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, waxaana xilkii uu ka qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u qorneyd sida tan:-

Related posts

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

February 16, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

February 16, 2026

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle :-

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Markuu arkay: Muhiimadda ay u leedahay bulshada reer Hiiraan iyo Guud ahaan dowlad Goboleedka Hirshabeelle, dib u habeynta Hogaanka Maamulka Gobolka Hiiraan, si loo taaba geliyo waxqabad dhab ah, horumar iyo daadejinta Maamul wanaag ka hirgalo Gobolka.

Markuu tixgeliyay: Baahida loo qabo in la sameeyo isbadal, loona magacaabo Gobolka Hiiraan Guddoomiye (Governor) waayo aragnimo iyo aqoon leh, isla markaana la filayo in gobolkaas uu is badal horumar leh ka hirgeliyo.

WUXUU XEERIYAY

  1. Waxaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), iyadoo mudane Cali Maxamed Caraale loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
  2. Xeerkan waxa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Previous Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota oo dalbaday in Maxamed Nuur uu helo caddaalad

Next Post

180-sano kaddib magaalada Athens ee dalka Giriiga oo laga hirgelinayo Masjid

Next Post

180-sano kaddib magaalada Athens ee dalka Giriiga oo laga hirgelinayo Masjid

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

Xildhibaannada Labada Aqal oo ka dooday wax-ka-beddelka Cutubka 6-aad ee soojeedinta Guddiyada Dastuurka

February 16, 2026
0

Waxaa maanta si rasmi ah u furmay kulanka 17-aad ee wadajirka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

February 16, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah...

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

February 16, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda...

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.

February 16, 2026
0

Dowladda Turkiga ayaa waxaa shalay laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In