Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “In Shacabkeena uu horumarka ku tartamo waa biseyl la gaarey oo lagu faani karo’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 8 August, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu saxiixayey heshiiska hannaanka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Heshiiskan oo ay wada saxiixeen xubnaha golaha wasiirrada ee ka soo jeeda degaannadaasi, guddoomiyeyaasha labada gobol iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta ka hawlgasha dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tallaabada siyaasiyiinta iyo madaxda gobolladan ay ku dhaqaaqeen ay tahay mid taariikhi ah oo mustaqbalka waddanka waxtar u leh.

‘’Waxaan maanta u wada fadhinaa tallaabo kale oo horumar ah, taas oo qeyb ka ah baahinta xukunka. Saxiixa heshiiska maanta waxaa uu soo afjarayaa goobihii weli harsanaa ee aan weli maamulka lagu baahin. Waxaa maanta kadib inoo bilowdey fursad cusub oo ah inaan helno mas’uuliyiin aan kala xisaabtanno taako kasta oo dhulkeena ka mida ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay garab istaagi doonto maamullada ka jira dalka oo dhan.

“Tallaabada tan xigta waxay noqoneysaa inaan u istaagno xoojinta maamullada jira. Waxaan dhiirigelinayaa in lagu tartamo horumarka , dib u heshiisiinta iyo wadatashiga, waddadaasi ayaana ah tan aan horumarka ku gaari karno. Waa in aan iska ilownaa wixii horey noo soo marey, khibradda aan ka dhaxalneyna aan u adeegsanaa inaan ku sameyno dib u heshiisiin waarta iyo nabad’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay gashey marxalad cusub oo ka duwan tii hore, isla markaana wixii haatan ka dambeeya ay maamullada cusub ee dhismaya si buuxda wax ugu leeyihiin talada siyaasadda, horumarka, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ammaan u jeediyay beesha caalamka, ciidammada AMISOM iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku taageeraya dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

‘’Waxaan marka hore tacsi u dirayaa dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay dagaallada dalka looga sifeynayo cadowga. Mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa jira khasaare soo gaara dadka rayidka ah. Waxaan dhowr jeer kala hadley, mar kastana aan ku adkeeyaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM inay iska dhowraan waxyeelo shacabka la gaarsiiyo. Waxay labadan dhinac kulan degdeg ah oo aan la qaatey iigu xaqiijiyeen inay u hoggaansami doonaan sharciga, isla markaana la dhowri doono shacabka, lagana fogaan doono in waxyeelo ay soo gaarto.’’

Munaaabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, diblomaasiyiin iyo madax kale.

Waxaa sidoo kale kale munaasabadda ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Maamulka KMG ee Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la filayaa in uu rasmi ahaan u furmo bisha September kowdeeda, lana soo gabagabeeyo 1-da December, ee sannadkan 2015, markaas oo lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka madaxda cusub ee maamulka la soo dhisayo.

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7)

Previous Post

Dhismaha Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu heshiiyay

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiisay xabsiga dhexe ee Xamar

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Wasaaradda caafimaadka oo deeq dawo ah gaarsiisay xabsiga dhexe ee Xamar

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In