Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo caawa kulan soo dhaweyn ah loogu sameynayo Boosaaso

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo caawa kulan soo dhaweyn ah loogu sameynayo Boosaaso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdiga la socday ayaa caawa kulan soo  dhaweyn iyo sagootin ah loogu sameeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha oo socdaal shaqo ku jooga deegaannada Puntland ay maanta ku soo wareegeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si kedis ah ugula kulmay qeybaha bulshada oo uu ka xog-wareystay xaaladaha ay ku suganyihiin.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

“Dadkii faraha badnaa ee soo dhaweynayay Madaxweynaha waxaa ku jirtay Hooyo ku umushay goobtii fagaaraha ahayd ee uu Madaxweynaha Dalka soo booqday, taasi oo muujineysa sida ay shacabka ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdiga Madaxweynaha ee ku muraya deegaannada Puntland” ayuu yiri Cabdinuur.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa inay socdaalkooda ku soo gabo gabeeyaan Gobollada dhexe ee dalka.

Axaddii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Wafdiga Madaxweynaha ay socdaalkooda ka soo bilowdeen magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, waxaana ay caawa ku suganyihiin magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Imaqashii ee Radio Muqdisho

Next Post

Diyar garow ku aadan Soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota magaalada Gaalkacyo   

Next Post
Diyar garow ku aadan Soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota magaalada Gaalkacyo    

Diyar garow ku aadan Soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota magaalada Gaalkacyo   

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In