Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha J. Soomaaliya oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha J. Soomaaliya oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IB0A2492Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka ka socdo iyo sidii loo dadejin lahaa dhammeystirkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furitaanka shirka khudbad ka jeediyey, waxa uu ka hadlay doorashooyinka Barlamaaniga ah ee gabo-gabada maraya iyo sida habsamida leh ee ay u socdaan qaarna ku soo dhammaadeen,  waxa uu sheegay in guul weyn ay gaartay Soomaaliya.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dowlad gobolleedyada iyo hoggaamiyeyaashooda, guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, guddiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo si xasilooni leh uga qeyb-qaadanaya doorashooyinkaas Qaran, waxaan sidoo kale boggaadinayaa doorashooyinka Barlamaaniga ee  gobollada Waqooyi oo Muqdisho ka socda,  waa wax lagu faani karo ilaa hadda natiijooyinka ka soo baxay ee qabsoomidda doorashooyinkaasi” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shirka madasha ay hoggaamiyeyaasha uga arrinsan doonnaan sidii loo meelmarin lahaa dhammeystirka doorashooyinka, sida midda madaxweynaha, guddoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeennadiisa, madashu waxa ay mar walba u taagan tahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo in xal laga gaaro haddii ay jiraan khalaad dhacay, waxaana rajeynayaa in shirkaan uu noqdo mid jawi deggan ku soo saara go’aanno dhaxal-gal u ah shacabka iyo dalkuba ayuu raaciyey madaxweynaha hadalkiisa.

Shirka waxaa joogey, xubnaha  beesha caalamka oo uu u horreeyo Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

IB0A2495

Previous Post

Arday shahaadooyin lagu guddoonsiiyay dalka Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Deg deg: Ciidamada Puntland oo dib ula wareegay degmada Qandala

Next Post
Maxaa ku soo kordhay goobihii ay wax ka dheceen? Dhageyso Wariye Cabdi casiis Africa?

Deg deg: Ciidamada Puntland oo dib ula wareegay degmada Qandala

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In