Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Furay Kalfadhigii 2aad ee Golaha Shacabka (SAWIRRO)

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Furay Kalfadhigii 2aad ee Golaha Shacabka (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Muqdisho, 8 Luulyo 2017:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

 

Madaxwaynaha oo jeedinayay khudbadda dastuuriga ah ee furitaanka kalfadhiga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laamaha kala duwan ee dowladda ay si wada jir ah uga mira dhaliyaan hawlaha horyaalla si loo xaqiijiyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxwayne Farmaajo ayaa Golaha Shacabka uga warbixiyey waxqabadkii dowladda, isagoo sheegay in ay xukuumadda ku guuleysatay joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaalaha dowladda, xakamaynta hubka sharci darrada ah, hawl galinta ciidamo u gaar ah nabadaynta Caasimadda iyo xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

 

Waxay sidoo kale dowladdu ku guulaysatay dhameystirka dib u hanashada Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay hawsheeda meel fiican mareyso, heshiisyo ku saabsan xal u helista maxaabiis Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibaddiisa iyo dib-u-hanashada saxiixa deeqaha loogu talagalay Soomaaliya.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in hawlo aad u culus ay horyaallaan, ayna dowladda xoogga saari doonto sidii loo xaqiijin lahaa xasilinta amniga dalka, dib u habeynta garsoorka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta xiriirka caalamiga ah, tayeynta hay’adaha dowladda iyo dib-u-heshiisiinta.

Madaxaweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday Golaha Shacabka in ay meel mariyaan 15 hindise sharciyeed oo ay Xukuumadda hor keeni doonto Golaha inta uu socdo kalfadhigan si loo dardargeliyo hawlaha qaranka.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayey heshiiskii Dekedda Berbera ayaa sheegay in dastuurka dalka qodobkiisa 7aad, Faqrooyinkiisa 2aad, 4aad iyo 5aad uu dhigayo ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda, isaga oo intaas raaciyay in xog dhameytiran lala wadaagi doono Golaha Shacabka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.

Previous Post

Eng Cabdi Canshuur Xasan “maalin walba 10 Milyan oo khasaare ah ayaa ka dhasha maqnaashaha Internet-ka

Next Post

Daacish oo laga saaray Mosul

Next Post
Daacish oo laga saaray Mosul

Daacish oo laga saaray Mosul

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In