Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa Ereteriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa Ereteriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa Ereteriya, Isaias Afwerki, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada hoggaamiye ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Ereteriya, gaar ahaan arrimaha ilaalinta madax-bannaanida, xuduudaha dhuleed, iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Dhanka kale, labada madaxweyne waxay xuseen in dhisidda dowlad xooggan oo horumarsan ay mar walba ku xiran tahay dhisidda hay’ado madax-bannaan oo awood leh, sida kuwa amniga iyo difaaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Ereteriya ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta muhiimka ah ee Ereteriya ka qaadato tababarka ciidamada Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada kale si looga hortago caqabadaha horumarineed ee Soomaaliya ka jira.

Previous Post

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Seattle

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qataay Madax ka socota Qaramada Midoobey 

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qataay Madax ka socota Qaramada Midoobey 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qataay Madax ka socota Qaramada Midoobey 

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In