Safarka madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta soo -jireenka Xiriirka Walaaltinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.
Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa u kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab .
Ciidamada dalka aan walaalaha nahey e Jabuuti ay qeyb ka tahay howlgalka Ciidamada Nabad-dhalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya hawgalada lagaga sifeynayo argagixisadaas.