Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Jabuuti.”Sawirro”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Labada Madaxweyne ayaa maalinta berri ah wada hadallo ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.

Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Previous Post

Ol’olaha Isxilqaan ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo oo ku fiday Gobolada Dalka.

Next Post

Deg Deg Ciidamada Xoogga dalka oo Bariire ku laayay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Next Post
Ciidanka Amniga oo Suuqa Bakaaraha ku toogtay 4 Dhagar qabe oo ka tirsanaa Argagixisada

Deg Deg Ciidamada Xoogga dalka oo Bariire ku laayay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In