Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo Addis-Ababa uga qeyb galaya shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xaaladda amni ee Koonfurta Suudan.

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Daawo Muuqaalka Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-Ababa kaga qeybgalaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Hoggaanka IGAD ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha casuumaaddii shirka, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan Addis-ababa 21 bisha.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa Madaxda Ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay kasoo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is fahan la’aan soo dhex gashay Madaxda Dalkaas.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaallo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Diblomaasiyiin Soomaaliyeed u saartay Sidii ay ugala qeyb qaadan lahaayeen Diblomaasiyiinta kale ee ka socda Gobolka Geeska Afrika xal u raadinta dhibaatooyinka ka taagan Koonfurta Suudaan.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa u howl-galaya inay xog u ruurin ku sameeyaan duruufaha ka jirta Koonfurta Suudaan, islamarkaana iyagoo la wadaagaya xogtaas dhiggooda Dalalka kale ee IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal ka dhacay Koofurta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas.

Previous Post

R/wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.”Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.”Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.”Sawirro”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In